Hot Posts

6/recent/ticker-posts

Qorshaha Itoobiya ee Baddena

 



Qorshaha Itoobiya ee Baddena

Warar soo baxaya ayaa muujinaya in Madaxweynaha Faransiiska uu booqasho ku tagayo dalka Itoobiya, taas oo la filayo inuu ku taageero qorshaha dhismaha ciidanka badda ee Itoobiya. Faransiiska ayaa horey u ballan qaaday inuu ka qayb qaadan doono qorshahan, taas oo qayb ka ah dadaalka Itoobiya ee ku wajahan helitaanka marin badeed.

Intii uu socday muranka dhinaca badda ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa jiray in Dawladda Jabuuti horay Itoobiya ugu soo bandhigtay qorshe ah in ay siiso marin badeed, iyadoo waliba ku wareejin doonta dekedda Tadjourah. Hase yeeshee, Itoobiya kama aysan jawaabin dalabkaas, waxayna ku aamustay muddo dheer. Si kastaba ha ahaatee, shalay ayay Jabuuti ku celisay in ay wali sugayso jawaab rasmi ah oo ku saabsan codsigaas, taas oo ka tarjumaysa in aysan Itoobiya rabin marin badeed oo kaliya lkn ay doonayso bar ay ka dhisato Saldhig Ciidan.

Maxaa dhexmaray Itoobiya iyo Israa'iil?

Sida lagu xusay maqaal uu qoray Iman Jama, waxaa jira kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, bishii Sebtembar 2019. Kulankan ayaa ka dhacay magaalada Qudus, halkaas oo Netanyahu uu usoo bandhigay Abiy heshiis dhinaca amniga ah oo la xiriira badda Cas. Israa’iil ayaa muujisay walaac ku saabsan saameynta Iran ee badda Cas, iyadoo sheegtay in Iran ay u adeegsan karto marin lagu taageero ururka Xamaas ee ka hawlgala marinka Qaza. Netanyahu wuxuu ku dhiirrigeliyay Abiy in Itoobiya ay kaalin ka qaadato amniga badda Cas, taas oo Israa’iil u fududaynaysa inay yareyso khatarta uga imaanaysa gobolka.

Xilligaas, kooxda Xuutiyiinta Yemen oo ay Iran taageerto ayaa ku xoogeysanaayay badda Cas, iyagoo qabsaday maraakiib ganacsi iyo doonyo kale oo muhiim ah. Sidaas darteed, Israa’iil ayaa doonaysay in Itoobiya ay noqoto dariiq ay ku gaarto badda Cas, si ay uga hortagto saameynta Iran iyo kooxaha kale ee ku sugan gobolka.

Maxaa laga bartaa qorshahan?

Waxaa cad in Itoobiya iyo Israa’iil ay ka faa'iidaysanayaan xaaladaha gobolka si ay u xoojiyaan danahooda dhaqaale iyo amni, iyadoo Itoobiya ay dooneyso marin badeed, halka Israa’iil ay doonayso inay saameyn ku yeelato badda Cas. Hase yeeshee, arrintan waxay khatar ku tahay maslaxadda qaranka Soomaaliya, maadaama Itoobiya ay mudo dheer raadinaysay hab ay ugu yeelato saameyn badeed, taas oo ka hor imaanaysa xuquuqda dhuleed ee Soomaaliya.

Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan iyo shacabka fahma dhagarta ku duugan qorshaha Itoobiya iyo Yahuuda. Waxaa lagama maarmaan ah in loo midoobo difaaca danaha qaranka iyo baddeenna qaaliga ah si looga hortago qorsheyaasha fog ee dalalka shisheeye.

Waxaa muhiim ah in madaxda qaranka Soomaaliyeed ay ka feejignaadaan xaaladda gobolka iyo saamaynta siyaasadaha Itoobiya iyo Israa’iil, kuwaas oo u muuqda kuwo ku wajahan dhibaateynta amniga iyo kheyraadka Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments