𝐃𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐈𝐫𝐚𝐧, 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐥𝐢𝐢𝐣𝐤𝐚
Dagaalka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Maraykanka, Israel iyo Iran ayaa noqday mid khatar ku ah guud ahaan Bariga Dhexe gaar ahaan dalalka Khaliijka. Inkasta oo dagaalkan uu si toosa u dhexmarayo Iiraan, Maraykanka iyo Israa'iil haddana saamaynta ugu weyn waxaa dareemaya dalalka ku yaalla Khaliijka oo leh saldhigyo militari iyo kaabayaal dhaqaale oo muhiim ah.
Warbixino badan ayaa muujinaya in Maraykanka iyo Israel ay bilaabeen duqeymo ballaaran oo ka dhan ah Iran iyagoo beegsanaya xarumo militari, kaabayaal muhiim ah iyo hoggaanka sare ee dalkaas. Tallaabadan ayaa dhalisay weerarro aargoosi ah oo Iran ay ku qaaday saldhigyada Maraykanka iyo meelaha muhiimkaa ee gobolka.
Dhibaatada ugu weyn waxay tahay in dalalka Khaliijka ay noqdaan goobta ay ku kulmaan dagaalka. Saldhigyada Maraykanka ee ku yaalla gobolka, xarumaha shidaalka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ayaa noqday bartilmaameed suurtagal ah marka Iran ay isku daydo inay ka jawaabto weerarrada.
Xaqiiqdu waxay tahay in marka dagaal sidan oo kale ah ka qarxo gobolka dalalka martigeliya ciidamada shisheeye ayay si toosa u dareemo ama ugalo khatar.
Sidoo kale, dagaalkan wuxuu si weyn u saameeyay dhaqaalaha gobolka iyo kan caalamka. Sahayda shidaalka iyo maraakiibta ka gudba marin-biyoodka Hormuz ayaa halis galay taas oo keentay in qiimaha shidaalka caalamka uu si degdeg ah u kordho.
Waxaa jira falanqeeyayaal badan oo aaminsan in dalalka Khaliijka ay ku jiraan xaalad sidaas darteed qaar ka mid ah khubarada gobolka waxay ku talinayaan in dalalka Khaliijka ay ka fogaadaan in si buuxda loogu jiido dagaalkan si loo ilaaliyo xasilloonida iyo dhaqaalaha gobolka.
Gunaanad ahaan, dagaalka u dhexeeya Maraykanka Israel iyo Iran ma aha oo keliya khilaaf u dhexeeya saddex dhinac, waa dagaal saameyn ku yeelanaya dhammaan gobolka. Dalalka Khaliijka waxay hadda wajahayaan su’aal muhiim ah: sidee ayay uga ilaalin karaan dalalkooda in ay noqdaan goob dagaal oo ay ku kulmaan quwadaha waaweyn?

0 Comments