Hot Posts

6/recent/ticker-posts

𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝗖𝗮𝗹𝗮𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗕𝘂𝗹𝘂𝘂𝗴𝗴𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗧𝗶𝗸𝗧𝗼𝗸 𝗹𝗼𝗼 𝗛𝗲𝗹𝗮𝗮

 


𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝗖𝗮𝗹𝗮𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗕𝘂𝗹𝘂𝘂𝗴𝗴𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗧𝗶𝗸𝗧𝗼𝗸 𝗹𝗼𝗼 𝗛𝗲𝗹𝗮𝗮?

TikTok waa mid ka mid ah baraha bulshada ee ugu caansan adduunka, waxaana calaamada buluugga ah (Blue Verification Badge) lagu helaa si rasmi ah, iyadoo la raacayo shuruudo gaar ah. Calaamaddan waxay muujisaa in akoonkaaga yahay mid rasmi ah oo la xaqiijiyay, taasoo sheegaysa inaa tahay qofkii saxda ee leh Akoonkaan.

Halkan waxaan kugu soo gudbinayaa habka saxda ah ee aad u dalban karto calaamadda buluugga ah ee TikTok.

𝗪𝗮𝗷𝗶𝗴𝗮 𝗞𝗼𝗼𝘄𝗮𝗮𝗱: 𝗗𝗶𝘆𝗮𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗔𝗸𝗼𝗼𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮

Kahor intaadan bilaabin dalbashada calaamadda, waxaa muhiim ah inaad hubiso in akoonkaaga buuxiyo shuruudaha aasaasiga ah. Shuruudahaas waxay ku xirnaan karaan nooca akoonkaaga.

𝗔. 𝗛𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗮𝗮𝗱 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗾𝗼𝗳 𝗰𝗮𝗮𝗱𝗶 𝗮𝗵 (𝗖𝗼𝗻𝘁𝗲𝗻𝘁 𝗖𝗿𝗲𝗮𝘁𝗼𝗿, 𝗪𝗮𝗿𝗶𝘆𝗲, 𝗙𝗮𝗿𝘀𝗵𝗮𝘅𝗮𝗻, 𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷 𝗦𝗮𝗺𝗲𝗲𝘆𝗲, 𝗶𝘄𝗺)

1. Bio – Ku qor shaqadaada (e.g., Writer, Entertainer, Video Creator, Graphic Designer, Programmer, Analyst, iwm).

2. Two-Factor Authentication (2FA) – Ku xir akoonkaaga adoo isticmaalaya:

Nambarka taleefanka

E-mail

Password 

Google Authenticator

(Haddii aadan garaneyn sida Google Authenticator loogu xiro, waxaad daawan kartaa video-ga aan soo dhigay Youtubka, ka daawo link: ).

3. Link – Ku xiro akoonkaaga website-kaada rasmiga ah ama xitaa barahaaga kale ee bulshada hadaadan lahayn website.

4. Sawirka Profile-ka – Hubi in aad saaratay sawir rasmi ah.

𝗕. 𝗛𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗮𝗮𝗱 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗺𝗮𝘀’𝘂𝘂𝗹 𝗱𝗮𝘄𝗹𝗮𝗱𝗲𝗲𝗱 (𝗣𝗿𝗲𝘀𝗶𝗱𝗲𝗻𝘁, 𝗣𝗿𝗶𝗺𝗲 𝗠𝗶𝗻𝗶𝘀𝘁𝗲𝗿, 𝗠𝗶𝗻𝗶𝘀𝘁𝗲𝗿, 𝗗𝗶𝗿𝗲𝗰𝘁𝗼𝗿, 𝗶𝘄𝗺)

1. Bio – Ku qor jago rasmi ah (e.g., President, Prime Minister, Minister, General Director, Director, iwm).

2. Two-Factor Authentication (2FA) – Xir akoonkaaga adoo isticmaalaya:

Nambarka taleefanka

E-mail

Password 

Google Authenticator

3. Link – Hubi inaad ku xirtay bogga rasmiga ah ee hay’adda aad ka tirsan tahay.

4. Sawirka Profile-ka – Sawirkaaga rasmiga ah saaro profile-ka.

𝗪𝗮𝗷𝗶𝗴𝗮 𝗟𝗮𝗯𝗮𝗮𝗱: 𝗖𝗼𝗱𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗩𝗲𝗿𝗶𝗳𝗶𝗰𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻-𝗸𝗮

1. 𝑬𝒎𝒂𝒊𝒍 𝒖 𝒅𝒊𝒓 𝑻𝒊𝒌𝑻𝒐𝒌

U dir emailkaan waxaad codsanayso: verification@tiktok.com

Kadib, buuxi foomka rasmiga ah ee TikTok Verification aya kuu soo diri doonaan: https://www.tiktok.com/legal/report/verification

2. 𝑩𝒖𝒖𝒙𝒊𝒏𝒕𝒂 𝑭𝒐𝒐𝒎𝒌𝒂

Email: Geli email-ka kuugu xiran TikTok.

Username: Geli username-kaaga TikTok.

What can we help you with? Ku qor: "ku qor codsigaada ku aadan in aad rabto in calaamada laguu saaro"

Haddii aad u baahan tahay email diyaar ah, waxaad isticmaali kartaa ChatGPT adigoo weydiinaya: "Please write an email about requesting verification for a TikTok account."

3. 𝑿𝒂𝒒𝒊𝒊𝒋𝒊𝒏𝒕𝒂 𝑨𝒒𝒐𝒐𝒏𝒔𝒊𝒈𝒂𝒂𝒈𝒂

Geli sawirka baasaboorkaaga ama ID

Haddii aad horey u heshay calaamadda verification ee baraha kale sida Facebook ama X (Twitter), soo dhig screenshot oo ay ka muuqato link-ga TikTok-kaaga.

4. 𝑫𝒉𝒂𝒎𝒂𝒚𝒔𝒕𝒊𝒓𝒌𝒂

Marka aad dhamaystirto, sug inta TikTok kaaga soo jawaabayo. Haddii aad rabto sharaxaad dheeraad ah, daawo video-ga YouTube ee aan ka diyaariyey oo ay ku jirto tallaabo kasta.

Youtube: https://youtu.be/ztVqem5Mu78?si=WPArOnSSW4W7rVhw

𝙂𝙪𝙣𝙖𝙖𝙣𝙖𝙙

Haddii aad rabto in akoonkaaga TikTok la Calaamada saarato, waa muhiim inaad buuxiso dhammaan shuruudaha kor ku xusan. TikTok wuxuu muhiimad gaar ah siiyaa akoonnada la xaqiijiyay, maadaama ay sare u qaadaan kalsoonida dadka isticmaala.

Post a Comment

0 Comments