Hot Posts

6/recent/ticker-posts

Dagaalada Beelaha ee Soomaaliya: Qaran Dhibaateysan

 


Dagaalada Beelaha ee Soomaaliya: Qaran Dhibaateysan


Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad adag oo naxdin leh, maadaama dagaalada beelaha ay socdaan waliba si xawliya. Usbuucii la soo dhaafay dalka daafihiisa oo idil xabad qabiil ayaa ka socotay, dagaaladaas ayaa sababay dhimashada dad badan, iyagoo burburiyay qoysas iyo deegaanno badan. 


Dagaalladan oo muddo dheer soo jiitamayay ayaa dib usoo cusboonaaday Asbuucii lasoo dhaafayay, waxaana shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada Dagaalada ka socdaan wajahayaan inay la kulmaan dhibaatooyin aad u badan.


Qalalaasaha Ugu Dambeeyay Iyo Khasaaraha


Toddobaadkii ugu dambeeyay, dad badan ayaa ku dhintay dagaalada ka dhexeeya beelaha iska soo horjeeda. Saddex maalmood ka hor, Maamulka Hirshabelle ayaa noqotay goob ay ka dhacday dhacdo xanuun badan taas oo ahayd 7 askari in lagu dilay aano qabiil darteed. Taasu waxa ay Qaranka Soomaaliyeed iyo Bulshadaba ay ku abuurtay argagax. Waxaa ceeb weyn ah in ciidankii qaranka ee loogu tala galay in ay Cadawga AS ka difaacaan shacabka Soomaaliyeed loo dilo aano Qabiil darteed ayaa fajac weyn abuurtay. Ciidanka Qaranka ee ladilay waxa ay dhulkaas u joogeen Ilaalinta Shacabka Soomaaliyeed.


Dhibaatadu kuma eka askarta oo kaliya; dad rayid ah ayaa sidoo kale si weyn u saameysmay. Qoysas ayaa guryahoodii ka barakacaya,meedkii ayaa la ixtiraami waayay oo dhulka lagu jiidayaa, hablihii ayaa ayagoo dhaawaca furuumaha lagu dhibaateynayaa, tuulooyin ayaa la burburinayaa, waxaana dagaalladu hakad gelinayaan noloshii caadiga ahayd ee dad badan. Dagaalada Qabiilka ayaa naafeeyay dalka, wuxuuna ka hor istaagay inuu horumar sameeyo dhulka uu dagaalka ka socodo.


Dowladda iyo  Xakameynta Dagaalada Qabiilka


Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuldareysatay inay xakameyso xaaladda sii xumaanaysa. Inkastoo ay dadaal badan ay sameyneyso, waxay wajahaysaa caqabado ay ka mid yihiin in aysan dawlada dhulka qaar ay gaarin awoodeeda ama aysan katalin. Qaar badan oo ka mid ah meelaha uu dagaalku ka socdo, hoggaamiyeyaasha maxalliga ah ayaa saameyn badan ku leh bulshada, taasoo adkeyneysa in dowladda dhexe ay hesho xalka dhibaatooyinka. 


Haddii xaaladdu sidan ku sii socoto, Soomaaliya waxay halis ugu jirtaa inay ku sii socoto burbur intii hore ka daran. Si taas looga hortago Dawlada waxaa la gudboon in ay dib-u-heshiisiin qaran la sameeyo Bulshada la'isku soo dhaweeyo la'isku keeno.


Baaq Ku Wajahan Nabad iyo Midnimo


Soomaaliya waxay ku sugan tahay meel adag oo laga qaban. Si loo soo afjaro dagaalka, waa in qaybaha kala duwan ee bulshada ay ukacaan sidii nabad lagu gaari lahaa. Culimada diinta waxay door muhiim ah ka qaadan karaan wacyigelinta bulshada iyo faafinta fariimaha midnimada iyo walaaltinimada Islaamka sheegaana dhibka uu lakulmi karo qofka asagoo dagaal qabiil ku jiro dhinto.


Dhalinyaradu waa laf-dhabarla Bulshada Soomaaliyeed maxaa yeelay 70% Bulshada Soomaaliyeed waa Dhalinyaro, waxa ay ka qeyb qaadan karaan Nabadda iyo Hurumarka Bulshada, waxa ay damin karaan Colaadaha socdo sidii horay u dhacday meelo badan, Tusaale Dagaaladii muda badan ka socday Mudug lkn hadda dib ubilaawday.


Dhalinyarada oo marar badan lagu khaldo inay ku biiraan dagaalladan waa in loo abuuraa fursado kale, sida waxbarasho, shaqo, iyo rajo mustaqbal oo wanaagsan. Isla mar ahaantaas, odayaasha iyo hoggaamiyeyaasha dhaqanka oo bulshada dhexdeeda ixtiraam weyn ku leh, waa inay horseedaan wada hadallo nabadeed si khilaafaadka looga gudbo.


Waqtigii Isbeddelka


Waqti xaadirkaan, daacadnimada beelaha ayaa inta badan ka sarreysa midnimada qaran. Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku xiran yahay sida ay bulshada Soomaaliyeed uga gudubto colaaddan iyo sida ay midnimo u heli karto. Dagaalladan ma ahan oo keliya kuwa sababa dhimasho, laakiin waxay sidoo kale baabi’inayaan rajada iyo horumarka dalka. Waa waqtigii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa nabad, loona dooran lahaa midnimo intii la sii kala qeybsanaan lahaa.


Soomaaliya waxay u baahan tahay isbeddel degdeg ah. Haddii shacabka Soomaaliyeed ay gacmaha isqabsadaan, nabadna ka shaqeeyaan, waxaa jira rajo ah in waddankan quruxda badan uu ka soo kaban karo una dhaqaaqi karo mustaqbal wanaagsan.

Post a Comment

0 Comments