Hot Posts

6/recent/ticker-posts

XAALADA DALKA EE MAANTA



XAALADA DALKA EE MAANTA

Xaaladda dalka maanta waxay mareysaa meel aad u xun, iyadoo dagaallo sokeeye ay ka socdaan dhamaan gobollada dalka. Meel kasta oo la eego, waxaa laga maqlayaa rasaas iyo rabshado, taasoo muujinaysa in nabaddii iyo deganaanshihii ay si weyn u sii daciifeen.


Khilaafka Jubaland iyo Dowladda Federaalka

Khilaafka u dhaxeeya Jubaland iyo Dowladda Federaalka ayaa gaaray halkii ugu xumeyd. Heerka uu khilaafkani marayo waxaa lagu tilmaami karaa mid halis ah, iyadoo labada dhinacba ay isku eedeeynayaan inay xiriir hoose la leeyihiin kooxda Al-Shabaab. Arrintan ayaa sidoo kale gaartay heer maxkamado la'iskugu yeero, taasoo sii murjisay xiisadda siyaasadeed ee labada dhinac.


Puntland iyo Dib u Dhaca Doorashooyinka Dawlad Gobaleedyadda

Xaaladda Puntland waa mid ka sii daran. Doorashooyinkii Dowlad Goboleedyada ayaa dib u dhacay, taasoo sababtay in madax aan sharciyad buuxda haysan ay xilka sii hayaan. Arrintani waxay sii kordhisay walaaca laga qabo maamul xumida ka jirta gobollada qaar iyo saameynta ay ku yeelan karto nidaamka dowladnimo ee dalka. 

Xorayntii Dalka oo Joogsatay

Dadaalladii lagu xorayn lahaa dalka iyo dib u soo celinta amniga ayaa istaagay. Horumarkii laga gaaray arrintan ayaa hakaday, taasoo keenaysa in kooxaha xagjirka ah ay helaan fursado ay sii wiiqaan nabadda iyo mustaqbalka shacabka.

Dalka oo Halgan Adag Ku Jira

Xaaladda dalka ayaa maanta ah mid u baahan tallaabo degdeg ah. Dagaallada sokeeye, khilaafka siyaasadeed, iyo joogsiga dadaallada xoraynta ayaa ku riixaya waddanka xilli adag oo u baahan hoggaan xooggan, wada shaqayn, iyo hufnaan.

Hadda waa waqtigii loo midoobi lahaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada dalka ka taagan. Iyadoo lala shaqaynayo bulshada, waxaa muhiim ah in la abuuro qorshe mideysan oo horseedi kara nabad iyo horumar waara.

By Abdirizak Hashi

Post a Comment

0 Comments