Itoobiya iyo Isticmaalka Mabda’a “Ku Qabso Ku Qadi Mayside”
Itoobiya waa dal ku xeeldheer qorsheyaasha siyaasadeysan ee ku saleysan danahooda qaranka, taas oo mararka qaar sababa in dalalka dariska ah la galiyo heshiisyo si hoose loo abaabulay. Mid ka mid ah mowduucyada muranka badan dhalinaya waa sida Itoobiya u adeegsatay mabda’a “Ku qabso ku qadi mayside” si ay u ilaaliso danaha qarankeeda, gaar ahaan arrimaha ku saabsan badda iyo marin biyoodka muhiimka ah ee gobolka. Madaxbanaanida Soomaaliya iyo Heshiiska Badda Si loo ilaaliyo “madaxbanaanida” Itoobiya, waxay muuqataa in Soomaaliya ay ku qasbanaatay inay heshiisyo saameyn weyn ku leh baddeeda gasho. Waxa la sheegaa in loo sheegay in heshiiskaasi yahay mid “Win-Win” ah, oo labada dhinac ka faa'iideysanayaan. Hase yeeshee, su’aasha muhiimka ah ayaa ah: Shacabkeenow, halkaas ma ka muuqataa faa’iido wadaag? Yaa Awood u Leh Dhul iyo Bad Bixinta? Sida ku cad dastuurka dalalka adduunka oo idil, dhul iyo bad laguma wareejiyo heshiis aan la marsiin hanaanka sharciga ah. Dawlad kasta oo awood leh waxa ay geli kartaa heshiis ku saleysan shuruucda qaranka, laakiin heshiisyadaasi waa kuwo la laali karo haddii ay danta guud baalmarsan yihiin. Haddaba, yaa go’aankaas leh?Waxaa tusaale fiican u ah ciidamada sharci darrada ah ee Itoobiya ku soo quftay gudaha Soomaaliya. Haddii dowladdu ku qasban tahay inay baddeeda ku wareejiso heshiisyo aysan awood dib ugu laaban karin, maxaa kale oo laga filan karaa awooddeeda xasilinta gudaha? Waxaa muhiim ah in la isweydiiyo:
- Waa in dowladdu tixgelisaa ra'yiga shacabka.
- Waa in dastuurka lagu saleeyo go’aamada sidaas u culus.
- Dhul iyo bad lama bixiyo iyada oo aan qorshe cad oo dib u soo celin kara lagu saleyn.
- Itoobiya iyo Ciidamada Sharci-darrada ah
Maxaa Laga Filayay Dowladda? Sida aan wada ognahay, baddu waa il muhiim ah oo dabiici ah oo aan la beddeli karin, waana in si taxaddar leh loo tixgeliyaa ka hor inta aan heshiisyo lala galin dalal kale. Dowladda Soomaaliya waxay ahayd inay si weyn uga fiirsato heshiis kasta oo la xiriira badda, maadaama tani tahay arrin ku saabsan mustaqbalka jiilasha soo socda. Waxaa aaminsanahay in:
- Maxaa naga celinaya in Itoobiya berri tiraahdo, “Badda waan heystaa, kama baxayo”?
- Ma jiro qorshe amni iyo mid siyaasadeed oo lagu hubinayo in heshiisyadaasi aan lagu xadgudbin danaha qaranimada Soomaaliya.
- Heshiisyada noocan ah aysan ku koobnaan madaxda kaliya, balse shacabka Soomaaliyeed ay qeyb ka noqdaan go’aanka.
- Dowladda ay dib ugu noqoto heshiisyada muhiimka ah, si looga hortago in Itoobiya ama cid kale ka faa’iidaysato awooddooda iyo khilaafaadka jira.
- In Soomaaliya ay dhisto awood ciidan iyo siyaasadeed oo ka jawaabi karta haddii lagu xadgudbo heshiisyada ama danaha qaranka.

0 Comments