Hot Posts

6/recent/ticker-posts

Maxuu kaga duwan yahay Ra’iisul Wasaare Hamza Kuwii Asaga Ka Horeeyay



Maxuu kaga duwan yahay Ra’iisul Wasaare Hamza Kuwii Asaga Ka Horeeyay

Dalka waxaa soo maray 21 Ra'iisul Wasaare uu ka mid yahay Ra'iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, mid kastana waxa uu lahaa Astaamo u gooniya oo Buldhada ku xasuusato haba kala darnaadaane. Qaarkood way dhinteen Allaha siiyo Naxariistiisa mida ugu sarayso.

Ra'iisul Wasaarihii ugu horeeyay oo ku meel gaara waxa uu ahaa Mudane Cabdullahi Ciise Maxamuud waa hogaamiye Shacabka Soomaaliyeed ku dhex leh Sumcad iyo Sharaf allaha unaxariistee waxaa ka danbeeyay 20 Ra'iisul Wasaare uu ugu danbeeyo Mudane Xamsa Abdi Barre.

Liiska Ra'iisul Wasaariyaashii Dalka soo maray

  1. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
  2. Cabdirashiid Sharmarke
  3. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
  4. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
  5. Maxamed Cali Samatar
  6. Maxamed Xawadle Madar
  7. Cumar Cartan Qaalib
  8. Cali Khaliif Galayr
  9. Xassan Abshir Faarax
  10. Maxamed Cabdi Yuusuf
  11. Cali Maxamed Geedi
  12. Nuur Xassan Xuseen
  13. Cumar Cabdirashiid Cali
  14. Mohamed Cabdullahi Farmaajo
  15. Cabdiwali Cali Gaas
  16. Cabdi Faarax Shirdoon
  17. Cabdiwali Shiikh Axmed
  18. Cumar Cabdirashiid Cali
  19. Xassan Cali Kheyre
  20. Maxamed Xuseen Rooble
  21. Xamza Cabdi Bare
Waxaa jiro Ra'iisul Wasarayaal kusime ahaa si ku meel-gaara loogu magacaabay xilka, kuwaas kuma jiraan 21 mudane ee sida rasmigaa u haysay Xilka Ra'iisul Wasaaraha sidaas ayaana loogu xusin tirada RW ee rasmigaa.

Mudane Xamza waxa uu ka mid yahay 21-da Ra'iisul Wasaare ee Dalka soo martay waxa uu leeyahay dhaqan Ra'iisul Wasaariyaashii u danbeeyay aan lagu arag kaas oo ah in RW Hamza uu ku shaqeeyo Dareen(Emotional) iyo in uu Siyaasadda cibaado ka soo doontay siduu horey usheegay.

RW Hamza waxa aad moodaa in uusan lasocon saaxada siyaasadda iyo habdhaqanka siyaasadda, go'aan kama lahan arrimaha masiirigaa ee dalka, waxa moodaa shaqadii RW in uu hayo Madaxweynaha JFS. sida muuqato MD Xassan uguma kalsoona shaqada Ra'iisul Wasaaraha.

Dadka siyaasadda falanqeeyo waxa ay ku sheegeen nin shaqada u daacada lkn aan aqoon iyo qibrad badan u lahayn  arrimaha siyaasadda sidoo kale daacad u ah Madaxweyne Xassan, waxa aan u baxshay anigu Shiikha Siyaasada.

Mudane Hamza waa nin aan isku hayn karin Dawladda dhexe iyo Dawlad Gobaleedyada, taas oo macnaheeda yahay in labadii asaga ku reerka ahyd ay war ka diideen una arkaan qof Xassan Shiikh u shaqeeyo.


Post a Comment

0 Comments