Hot Posts

6/recent/ticker-posts

Xaaladda Siyaasadeed Ee Dalka Halkee Ku Danbayn Doontaa

Xaaladda Siyaasadeed Ee Dalka Halkee Ku Danbayn Doontaa
Dalka Soomaaliya wuxuu marayaa xaalad cakiran oo aysan jirin cid hubin karta jihada uu u socdo. Maalmo gudahood, xiriirkii wadashaqeyneed ee Dawladda Federaalka Soomaaliya kala dhaxeeyay Maamul Goboleedyada qaar ayaa si cad u burburay. Shalay waxaa Dawladda xiriirkii u jartay Puntland, maanta waxaa ku biirtay Jubbaland, halka Somaliland horey uga go'day nidaamka Federaalka.

Qodobka ugu weyn ee xaaladda ka sii daray waa muran siyaasadeed oo ku saleysan is-aaminaad darro baahsan oo u dhaxeysa Dawladda Federaalka iyo Maamul Gobaleedyada. Dhaliilaha loo jeedinayo Madaxweynaha Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyeyaasha Maamul Gobaleedyada sida Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ah kuwo aad u culus. Waxaa marar badan la soo jeediyay in hoggaanka sare ee dalka la helo isla xisaabtan dhab ah, xitaa iyagoo isku soo oogay dacwado culus sida Axmed iyo Xassan.

Sababaha Ka Dambeya Xaaladda Cakiran
  1. Kalsooni darro siyaasadeed: Dawladda Federaalka ayaa loo arkaa inay ku guul darreysatay Wadashaqayn la'aanta Maamul Gobaleedyada, taas oo sababtay in khilaafaadyo cusub ay soo ifbaxaan.
  2. Hab maamul xumo: Xukuumadda Federaalka ayaa ku eedeysan in aysan waafajin nidaamka federaalka, taas oo keentay in maamul gobaleedyadu ay dareemaan in awooddooda la hareer marayo.
  3. Kala qaybsanaan siyaasadeed: Madaxda maamul gobaleedyada qaarkood ayaa iska fogeeyay dawladda dhexe, taas oo ay uga jawaabayaan faragelin ay sheegeen in Dastuurkii Dalka ay ku xad gudubtay Dawladda dhexe iyo in ay Shaqadii Qaranka kaligeed isku koobtay.
Halkee Xaaladda Ku Danbayn Kartaa?

Xaaladda cakiran ee siyaasadeed waxay leedahay dhowr waddo oo ay u mari karto:
  1. Heshiis Siyaasadeed: Hoggaanka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada waa inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu xoojinayo wada hadalka, si loo gaaro heshiis dhaxal gal ah.
  2. Dib u heshiisiin qaran: Waa in la abuuro madal weyn oo ay ku kulmaan dhammaan dhinacyada siyaasadda, kuwaas oo ay hormuud u yihiin wax-garadka iyo aqoonyahanka bulshada-rayidka, si xal mideysan loo gaaro.
  3. Isbeddel hoggaamineed: Waxa dhici karta in xaaladda ay ka sii darto haddii aan tallaabooyin degdeg ah la qaadin, taas oo horseedi karta kacdoonyo siyaasadeed ama isbeddel dhanka hoggaanka ah.
  4. Colaado hor leh: Haddii khilaafaadku sii xoogeysto, waxaa suuragal ah in dalka uu galo xaalad dagaal siyaasadeed oo sii kala qaybisa bulshada Soomaaliyeed iyo Colaado sokeeye.
Gunaanad

Xaaladda cakiran ee maanta ka taagan Soomaaliya waa mid u baahan xal degdeg ah oo looga baaqsanayo burbur qaran. Hoggaamiyeyaasha siyaasadda waa inay ka fikiraan danta guud ee ummadda oo aysan u ogolaanin in khilaafaadka gaarka ah ay halis geliyaan jiritaanka dalka. Soomaalida waxaa mar walba ka soo bixi jiray xalal siyaasadeed oo dhab ah marka wadahadal dhab ah la furo, waxaana la rajeynayaa in markan loo wada jeedsado danta guud si looga baxo dhibaatadan cakiran.

Post a Comment

0 Comments